DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya Muxuu ka yiri Musuqmaasuqa ka jira dalka?

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in uu dagaal adag uu la geli doono Musuqmaasuqa hadii uu noqdo Markale Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladiisa ay ka xun tahay Musuq maasuqa la sheegayo in uu ka jiro Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha uu Waqtigiiso dhamaaday in uu sameyn doono Hay’addo gaar ah oo ka hortaga Musuqmaasuqa hadii  uu ku guuleysto in uu dalka Hogaamiyo Afarta Sano ee soo socota.

Mas’uuliyiinta dowladda ee ku takri fala hantida Qaranka ayuu sheegay in lala xisaabta midoono tilaabo adagna laga qaadi doono.