DHAGEYSO: Madaxweynaha oo markale ka hadlay Dacwada badda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay dacwada ee badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa sheegay  in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in hal taako oo ka mid ah badda Soomaaliya ay qaadato dowladda Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya ay leedahay badda lagu murmaayo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.