Madaxweynihii hore maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta xilka Wareejiyo.
Faroole ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu dhamaaday waqtigiisii , islamarkaana looga baahan yahay in uu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
C/raxmaan Faroole ayaa wuxuu sheegay Madasha Wadatashiga Qaran 9-kii Bishii August in si sharcidaro ah muddo kororsiimo ay ugu sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya, taasina aysan aheyn sifo sharci ah.
Madaxweynihii Hore maamulka Puntland hadana u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay haboon tahay in aan dalka la galin qalalaaso siyaasadeed.
Waxa uu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha dalka ay yihiin Musharixiin u taagan Qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Madaxweynaha hada talada haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la doortay 10-ka September, ee sanadkii 2012 , waxaana xalay u dhamaatay afartii sano ee loo idmaday in uu Madaxweynaha Dalk ahaado.


