DHAGEYSO: Madaxweynaha oo ka hadlay eedeynta Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Eedeynta Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ay u jeediyeen Xukuumada ee ku aadan sharciga  Siyaasada Haweenka oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin sharci ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay in marka ay arkaan qalad in ay la soo xiriiraan Hay’adaha dowladda balse aysan wanaagsaneyn in Warbaahinta ay ka sheegaan.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso in ay qanciso cid walbo oo qalad u fahanta sharciyada dalka.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Hay’ada culimada Soomaaliyeed ay Guddi u saareen sharciga Siyaasada Haweenka islamarkaana Guddigaasi laga sugayo jawaabo dhameystiran oo ku aadan qaladka ay sheegeen Culimada Soomaaliyeed in uu ku jiro sharcigaasi.