DHAGEYSO: Madaxweynaha oo ka hadlay dib u dayactirka Isbitaal Martini

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xariga ka jaray isbitaalka Martini ee ciidammada Naafada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed, oo mudo badan Isbitaalka ku dhibaateysnaa.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la bedeli doonin magaca Isbitaalka oo mudo dheer soo jiray.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey ciidammada XDS, Hay’adda Iida, Hay’adihii gacan siiyey iyo Dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada.