Nairobi-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku taliyay tababarada loo aadayo dalka dibaddiisa in loo soo weeciyo gudaha dalka.
Axmed Madoobe ayaa arrinkaas ku sheegay in ay lacag badan u soo celineyso dalka, gaar ahaan lacagaha lagu qarash gareyn lahaa tababarada dalka dibaddiisa.
Sidoo kale Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbland ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la arko tababarada dibadda loo aado in gudaha dalka lagu qabto, isaga oo sidoo kale sheegay in dal walba ay dadkiisa dhistaan.
Hadalkan ayuu Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxa uu ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay tababar Magaalada Nairobi loogu soo xirayay xubno ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.


