Kisaamyo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan xubnaha labada Gole ee Jubbaland.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa dhowaan shir uga qeyb galay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasi oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Mudane Axmed Maxameed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo faah faahin ka bixiyay shirkii London ayaa sheegay guul in uu ku soo dhamaaday shirkaasi.



