DHAGEYSO: Madaxweynaha jubbaland oo cafis u fidinaya maxaabiista ku jirta xabsiyada

Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maxaabiista ku jirta xabsiyada maamulka Jubbland cafis loo fidin doono.

Madaxweynaha Jubbland ayaa sheegay in xurmada iyo fadliga bisha barakaysan cafis loo fidin doono maxaabiista ku jirta xabsiyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbland Hoose.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed islaam ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay in ay adkeeyaan amniga deegaanada maamulka Jubbland.