DHAGEYSO: Madaxweynaha” Dad Ajnabi ah raad kuma yeelan karaan doorashada”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin faragelin lagu hayo doorashada Soomaaliya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxaayay warar sheegaya in dowlado shisheeye ay ka  qeyb yihiin  doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada ay u taallo umada Soomaaliyeed , islamarkaana aysan jirin raad ay ku yeelan karaan dad Ajnabi ah doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladaha Caalamka ay taageeraan dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay ka caawiyaan dhinacyo badan ,laakiin doorashada aysan wax saameyn ah aysan ku yeelan  karin.

“Doorashada Soomaaliya waxa ay ka timid markii hal qof uu go’aanka yaa Xildhibaan noqonaya lahaa waa ay ka timid 51 qof oo reer Hebel ah oo jufo hebel ah oo Degmo hebel ka yimid, magaranaayo aniga dad Ajnabi ah sida ay raad ugu yeelan karaan “ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.