DAAWO:-Madaxda Dowladda oo la sheegay inay qorsheenayaan Mudo Kororsi

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah golaha Shacabka ee Baarlamanka ayaa sheegay inay jirto guux hoose oo sheegay in golaha shacabka uu qorsheenayo muddo kororsi la eg 2-3 sanno, halka Madaxweynaha isagana waqti loo Kordhinayo iyadoo aan la shaacin.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayuu sheegay in Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga doorashooyinka ay diyaarinayaan dhowr ajande si ay uga doodaan,isla markaana uu ka mid yahay  waqti kororsi 2-3 sanno,hayeeshee uu sheegay in aysan taasi ogolaaneyn.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta loo cuskan doono muddo kordhinta ay tahay in duruufo amni ay jirto taas oo aan suuragal ka dhigi karin doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo,taasina ay noqoneyso meel ka dhac loo geystay Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana aysan fulin sababihii loo doortay.

Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay wadaan qorshahaas mudo kororsiga ah,waxaana uu ka digay in dalka Soomaaliya uu xilligaan ka dhaco dagaalo Sokeeye.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo dhameystiran.