Qaar ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa maanta dhigay Banaanbax ay ku dalbanaayeen in ay helaan xuquuq ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.
Macaliimiinta waxa ay sheegeen in aysan helin Mushaaraadkii ay ku shaqeyn jireen.
Waxa ay ku dhawaaqeen Shaqo joojinta tan iyo inta ay helayaan Lacagaha ka maqan.
Barayaasha Jaamacadda Umadda ayaa ballanqaaday in aysan gelin Xiisad tan iyo inta ay helayaan Mushaarka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ku aadan Banaanbaxa ay maanta dhigeen Macalimiinta.



