Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerar khasaare geystay oo ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa weerarkaas ku geeryootey 2 Ruux halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay Qofkale.
Weerarkan ayaa la sheegay in ay geysteen kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday goob dadka ay fariistaan oo ku taala degmada Mahadaay, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada degmada Mahadaay Saalax Fulaan Xaaji oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka warbixiyay weerarka khasaaraha geystay ee ka dhacay degmadaasi.


