Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay shir dib u heshiis loogu sameeynaayay beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xasan Cumar Macalin Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa eedeeyn u jeediyay wasiirka dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku eedeeyay in Magaalada Muqdisho uu ka wado shir dib u heshiisiin ah oo aysan u dhameyn beelaha dega gobolka Shabeelaha Hoose.
Wuxuu eedeyntaasi u jeediyay Wasiirka Dastuurka Maamulka Konfur Galbeed, kaas oo uu ku eedeeyay in uu Odayaal macmal ah uu shir dib u heshiisiin ah ugu qabtay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo colaada ku soo laa laabata Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose.


