Dhageyso:-Maamulka Kuntuwareey oo ka hadlay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Maamulka degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay ka warbixiyeen dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay deegaanka Buura Mareer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaas.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Kuntuwaareey Muxidiin Khaliif Caliyow ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay ka dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyey guddoomiye kuxigeenka Idaacadda Risaale ee Magalada Muqdisho ayuu sidoo kale ku sheegay in Maanta ay deegaanka Buulo Mareer holwgal ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaas oo amniga lagu xaqiijinayo.

Majirto warar madax banaan oo xaqiijinaya warka kasoo baxay Maamulka degmada Kuntuwaareey oo ku saabsan inay dagaal ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen.