DHAGEYSO:- Maamulka K/Galbeed oo faah faahin ka bixiyay in ka badan 10 Oday dhaqameed oo deegaanka Ow-diinle lagu dilay

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay in ka badan 10 Oday dhaqameed oo la sheegay in ay dileen Ciidamada Itoobiya.

Deegaanka oday dhaqameedyada lagu dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa deegaanka Ow-diinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Baay.

Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Koofur galbeed Xuseen Xasan oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan odayaasha la dilay.

Waxa uu sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay kala hadlayaan qaabkii uu u dhacay falkaasi isla markaana aysan soo noqon doonin mar kale.

Shalay ayay ahayd markii dagaal uu ka dhacay deegaanka Ow-diinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Baay, waxaana dagaalkaasi uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka Dhageyso Codka:-