Boosaaso-RisaalaFM- Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo ah Gudoomiyaha Gobolka Barri ayaa ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan howlgalo culus oo ay ku beegsanayaan raggii ka dambeeyey labadii dil ee todobaadkan ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabku in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amniga, wuxuuna si cad u sheegay in ay hayaan xogaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin kooxahan.
Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay in la qaadi doono Howlgallo adag, ayna Saxaafadda u soo badhigi doonaan xogaha iyo soo qabashada kooxahan oo cadaaladda la horkeenayo.
Todobaad gudihiisa ayaa Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa lagu dilay Taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi iyo Agaasimhii Madaxtooyada Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse, waxaana Mas’uuliyada dilalkaas sheegtay Shabaab.


