DHAGEYSO: Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Amaro

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta soo saaray laba wareegto oo la xiriira Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa Booydaha ee isticmaala wadooyinka Muqdisho.

Wareegtada la xiriirta Gaadiidka Xamuulka ayaa waxa ay ku saabsan tahay in aysan qaadi karin rar Gaariga ka badan, cidii amarkaas fulin weydana in lagu ganaaxi doono lacag dhan 10 Million oo Sh.S.

Sidoo kale Wareegtada kale ayaa waxa ay ku saabsan tahay Gawaarida Booyadaha iyo kuwa xamuulka in magaalada aysan mari karin maalinkii, keliya ay socon karaan 08-da fiidnimo ilaa 07-da Subaxnimo.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay amarkan in fulintiisa loo xilsaaray Ciidamada ilaalada wadooyinka iyo kuwa ammaanka.

Wuxuu kaloo sheegay C/fataax Xalane ujeedada wareegtada in ay tahay sidii loo yareyn lahaa mashquulka iyo ciriiriga ka jira wadooyinka iyo in aysan dhibaato u geysan dadka shacabka ah.