DHAGEYSO: Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay Qaraxii Gaariga loo adeegsaday ee Duhurnimadii maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana Gaarigan uu ahaa mid yaalay wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi, gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Wardheere oo aanan sidaasi kaga fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay Labo Qof, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah, waxaana Gaadiidka Dab Damiska Maamulka Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen daminta Gaariga ku Qarxay wadadaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar xalane oo la hadlay warbaahinta aya sheegay in Gaarigan uu lahaa nin lagu magacaabo Xuseen jaamici oo isaga iyo Qof kale ay ku dhaawacmeen Qaraxan, cid kalena aysan wax ka soo gaarin.

Wuxuu sheegay in ujeedka Qaraxan uu ahaa sidii shacabka Soomaaliyeed qal qal loo gelin lahaa, isagoo intaa ku daray in ay wadaan baaritaano ku aadan raggii ka dambeeyay falkan.