Waxaa dhowr saacadood kadib lagu guuleystay in la demiyo dab khasaaro hantiyadeed geystay oo saakay ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,kaas oo kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale.
Dabka ayaa waxaa uu ku fiday goobo Ganacsi oo ay leedahay shirkad lagu Magacaabo Beder,waxaan waqti badan uu qaatay deminta debkaas maadaama degmada Guriceel aysan laheyn Gawaartida dab-damiska.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in uu rajeynayo in Ganacsatada iyo Maamulka inay ay iskaashadaan sidoo looga hortegi lahaa markii ay dhacaan musiibooyinkaan oo kale.
Waxa uu shacabka degmada Guriceel uga mahad celiyey sida ay u badbaadbiyeen hanta badan oo dabkaasi uu qabsan lahaa,kadib markii uu dabka kacay.



