Dhageyso:-Maamulka G/Bari & Taliska Booliska oo digniin soo saarey

Maamulka gobalka Bari ayaa waxa ay olole nadaafadeed ka bilaabeen Xeebta Magaalada Boosaaso gaar ahaan meelaha u dhaw dekadda magaaladaasi oo ay qashin farabadan  yaalaaleen .

Gudoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo daahfuray ololahaas oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada boosaaso ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan maamulkooda in jimcaha soo socda shacabka ay u damaashaad tagaan xeebta magaalada Boosaaso,iyada oo nadiif ah .

Taliyaha qaybta Booliiska gobalka Bari iyo xoghayaha dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso oo goobta ka hadlay ayaa waxa ay Shacabka kunool magaaladaas uga digeen in aysan qashinka ku shubin Xeebta magaalada.

Waxa ay tilmaameen qashinka hadii  lagu shubo xeebta uu sababayo caafimaad darro ku dhacda bulshada waxayna sidoo kale sheegeen in ay ka dhalan karto amnidarro kadhacda magaalada Boosaaso.