Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo digniin culus u diray dadka bulaacadaha kusoo fura…

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa digniin Udiray dadka bulaacadaha kusoo fura biyaha kasoo baxa guryahooda, Iyo Goobaha Ganacsi eek u yaalla Magalada Muqdisho.

Gudoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Ee Maamulka Gobalka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay kusoo furaan bulaacadaha suuliyada  ku yaalla guryahooda iyo Goobaha ganacsi sida Isbitaalada, Labaajooyinka Gawaarida lagu dhaqo iyo Hoteelada .

Waxa uu gudoomiye fiidow ugu baaqay dadkaasi uu soo hadal qaaday in ay sameystaan goobo loogu talagalay biyahaasi balse aysan dadka ku dhibaateen.

Waxa uu uga digay dadkaasi hadii ay joojin waayaan loo sameyn doono  ciidamo ilaaliya cidii lagu qabtaana ay sharciga latiigsan doonaan.

Dhanka Kale waxa uu sheegay gudoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee maamulka gobolka banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow in ay dhisayaan goobaha bulaacadaha ah ee loogu talagalay in ay galaan biyaha roobka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Ee Maamulka Gobalka Banaadir.