DHAGEYSO: Maalinta dib loo qabanayo dooda Musharaxiinta oo la shaaciyay

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Risaala u sheegay in doodii Musharaxiinta ee horay ay Guddigaas ay u joojiyeen la qaban doono 6 Bishaan oo ku beegsan Isniinta.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Arintaas lagu go’aamiyay ka dib kulan ay yeesheen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Waxaa uu tilmaamay in dooda loo qaban doono si hufan.

Maalmo ka hor ayay aheyd in la qabto dooda Musharaxiinta , laakiin Qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday in ka qeyb galeen ka dib markii ay sheegeen in warbaahinta Madaxa banaan aan loo ogoleyn in ay toos u tabiyaan dooda.

Guddiga Doorashada ayaa xilligaas sheegay in Guud ahaanba ay joojiyeen Dooda, waxaana Waqtigaasi ay xuseen in ay jirto cilad internet.