Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in doorashada waddanka ka socota ay hareeyeen ficillo musuqmaasuq ah oo ay ka mid yihiin codadka oo la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.
Waraysi uu siiyey VOA ayuu ku sheegay inay diiwaangeliyeen ilaa lix kursi oo musharraxiinta haatan ku fadhida ay kusoo baxeen qaab sharci aan ahayn.
Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa qiray in ay jiraan in Qaar ka mid ah musharaxiinta ay kusoo baxeen lacago ay dhiibeen.
Hanti -dhowraha guud ee qaranka ayaa sheegay in Ergooyinka Qaar kood la siiyay dhaqaalo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in kuraasta Qaarkood lagu codeeyay gacan taag taasina ay tahay mid sharci daro ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin hanti dhowrka Qaranka Soomaaliyeed in ay baaritaan kusameeyaan lacagaha lagu baxshay doorashada Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inkuraasta lagu kala gatay lacago aad u farabadan.


