DHAGEYSO: Lacag la gaarsiiyay maamulada dalka ka jira

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa Maanta shaaciyay in Maamul goboleed walbo oo dalka ka jira ay gaarsiinayaan lacag gaareysa 200 oo kun oo dollar.

Lacagtaasi ayaa waxaa loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degaanada ay ka taliyaan Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la siiyay  200 oo kun oo dollar si uu ugu qeybiyo dadka ku soo barakacay Gobolka Banaadir ee abaaraha gobolada dalka ka soo cararay.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa Warbaahinta u aqriyay lacagtaasi ay Maanta siinayaan Maamul goboleeda Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in guddiyada shaqada ku leh arrintaan loogu baahan yahay in ay gaarsiiyaan dadka u baahan lacagtan.

Dhanka kale Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa ka warbixiyay sida loo maareeyay lacagihii ay heleen iyo meelaha ay gaarsiiyeen.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in Guddiga ay dabagal Xoog leh u sameeyeen meelihii lagu bixiyay lacagti hore.

Waxa uu tilmaamay in ay wadaan baaritaano ku saabsan halka ay ku baxday lacagta iyo in la gaarsiiyay dadka u baahan.