Switzerland-RisaalaFM- Xaflad si heersaro loo soo agaasimay oo lagu taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay dalka Switzerland.
Munaasabaddani oo aheyd mid si gaar ah loogu taageerayay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyada oo sidoo kale dhaqaale loogu uruurinayay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhufatay Abaarta dalka ka jirta.
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka wax tar dalkaaga.
Qaar ka tirsan Soomaalidii ka soo qeyb gashay Munaasabadan ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan xukuumadda cusub, sidoo kalena ay dhaqaale ku bixinayaan Abaaraha dalka ka jira.


