DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo xoog kusoo furaneysa dad ay Afduubteen Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay xoog kusoo furan doonaan ku dhawaad 100 qof oo Al-Shabaab ay ka Afduubteen degaano hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa Risaala u sheegay in dadkaan la Afduubtay Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Zakawaad.

Waxaa uu sheegay in Shabaab ay horay dadka  u Afduubay jireen Tilaabadda hadda ay qaadeena ay tahay mid ka weyn kuwii hore ee ay sameyn jireen.

Dadka la Afduubtay ayuu sheegay Wasiirka in Shabaab qaarkood ay ku eedeeyeen in ay yihiin Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda ku sugan Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay howlgalka soo furashada dadkaasi.