DHAGEYSO: Khilaaf soo gala dhex galay Madaxda Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga

Waxaa soo baxaya   khilaaf ka dhex jira dowlad goboleedka Jubbaland iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo taasoo ah booqasho la filayo in dhowaan uu ku tego Degmooyin ka tirsan gobolka Gedo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa dhacay Banaanbax loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacay magaalada Garbahaarey iyadoo banaanbaxaana uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha 3 degmo oo ka tirsan gobolka Gedo aysan kasoo degi karin mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Faarax  C/Nuur Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ,Guutada 10 aad ee Qeybta 43 Aad ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegay in aysan aqbalin doonin in Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay yimaadaan gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in maamulka Jubbaland ay dhibaato badan ku hayaan dadka Shacabka ah ee kunool degaanada maamulka Jubbaland.