DHAGEYSO: Khaatuma “waan ka soo horjeednaa shirka Madasha Qaran”

Khaatuma-RisaalaFM- Wasiirka war faafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho.

Axmed Xaaji Cali Wasiirka war faafinta maamulka Khaatuma ayaa sheegay in aysan raali ka aheyn maamulka Khaatuma shirka Madasha Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho sidoo kalena shirkaas natiijada ka soo baxda ay ka soo horjeedaan maamulkooda.

Dhinaca kalena Wasiirka war faafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali ayaa waxa uu tilmaamay in maamulka Khaatuma loo diidey in ay ka qeyb galaan shirka, sidoo kaelan aysan qeyb ka aheyn xubnaha dowlad goboleedyada ee shirkaasi lagu casuumay.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa weli waxa uu ka socdaa Magaalada Muqdisho waxaana looga hadlayaa Hanaanka Geeddi socodka iyo xilliga ay dhaceyso Doorashada la filayo in sanadkan dalka ay ka qabsoonto.