Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in gabi ahaanba maamulka Khaatuma uu ka soo horjeedo heshiiskii Muqdisho lagu gaaray.
Waxaana uu sheegay wakiilo ka socda Khaatuma in aysan ka qeyb galin shirka Madasha Qaran.