Baydhabo-RisaalaFM- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa diyaarisay sharci lagu dhisayo nidaamka Dowladaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sharcigan waxa ay horgeysay Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, sidaasina ay ku ansixiyeen.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Sate ayaa sheegay nidaamkan ay soo diyaariyeen in ay kaga gol leeyihiin dhismaha Dolwladaha Hoose ee Maamulkaasi.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Wasaaradda ay soo diyaarisay sharcigaas, lana sugayo in la horgeeyo xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dhisan yahay mudo Labo sano ah, waxaana siyaasiyiinta qaar ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ay Maamulka ku dhaliileen in aysan waxba u qaban shacabka Koonfur Galbeed.


