Masuubiye-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ka hadlay Dadka ku dhintay War-biyoodka la sumeeyay ee ku yaalla Degaanka Masuubiye oo u dhaxeeya Awdiinle iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 30 Qof ayaa ku dhimatay War-biyoodkan la sumeeyay, kuwaas oo isugu jira Haween, Caruur iyo Dad Da’ah, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.
Sidoo kale ku dhowaad 10 Qof ayaa xaaladooda caafimaad waxa ay tahay mid daran, maadaama ay isticmaaleen Biyaha laga soo dhaamiyay War-biyoodka sumeysnaa.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maamulka Koonfur Galbeed Xuseen Xasan (Eelaay) ayaa waxa uu sheegay xaalada Dadka ku nool Masuubiye in ay tahay mid adag, loona baahan yahay in wax loo qabto.


