DHAGEYSO: K/Galbeed oo ka digtay Qaraxyo

Baydhabo-RisaalaFM- Taliyaha Booliiska Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan ayaa shacabka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya uga digay in ay ka feejignaadaan Weeraro iyo Qaraxyo ay Al-Shabaab ka geystaan Degaanadooda.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in shacabka ay ka hortagaan Qaraxyadaasi ay Al-Shabaab doonayaan in ay ku dhibaateeyaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka iyo Ciidanka looga baahan yahay in ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan si looga guuleysto Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in ay socdaan howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga saari lahaa Degaanada ay iminka ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa ku sugan Degaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana mararka qaar ay Al-Shabaab Weeraro ku soo qaadaan Xarumaha Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.