DHAGEYSO: K/Galbeed oo aan u gurman Dadka Abaaraha ay saameeyeen

Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaanan weli u gurman Dadka shacabka ah ee Abaarta ay ku saameysay Degaanada Koonfur Galbeed.

Dadka qaar ee ku nool Degaanada Koonfur Galbeed oo ay saameysay Abaarta ayaa bilaabay in ay ka soo cararaan baadiyaha, si ay u soo gaaraan Magaalada.

Mas’uuliyiinta Gobolka Bakool ayaa Dowladda Federaalka, Hay’adaha Caalamiga iyo Maamulka Koonfur Galbeed ka codsaday in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah shacabka dhibaateysan.

Gudoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool C/laahi Yariisow ayaa waxa uu Idaacadda Risaala u sheegay dadka in ay la dhibaateysan yihiin biyo yari iyo cunto la’aan.

Sida laga war qabo Soomaaliya waxaa ku habsatay Abaar aad u daran oo soo noq noqotay, taas oo khafaalatay dhimashada xoolo badan iyo cunto la’aan soo wajahday dad fara badan.

Abaarahan ku dhuftay Soomaaliya ayaa waxa ay ka jiraan Degaanada Maamullada Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.