DHAGEYSO: Kenya oo shaacisay lacagtii kaga khasaartay joojintii Qaadka

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa shaacisay lacagtii kaga khasaartay Go’aankii Dowladda Soomaaliya ay ku joojisay Duulimaadyadii Qaadka Diyaaradaha Kenya ay ku keeni jireen Soomaaliya, blase hada ay dib u fasaxday.

Afhayeen u hadlay Ganacsatada Qaadka ee Miiraa ee Dalka Kenya ayaa sheegay in ay khasaareen lacag dhan 500 oo Million oo lacagta Kenyanka ah, isagoo sidoo kale tilmaamay in arintaasi ay niyad jab weyn ku noqotay Ganacsatada Qaadka ee Dalka Kenya.

Wuxuu sheegay Todobaadkii Dowladda Soomaaliya ay joojisay Qaadka in kaliya Hawada Soomaaliya ay u soo duuleen 5 Diyaaradood kuwaas oo ku soo deganayay Garoomada Diyaaradaha ee Gaalkacyo, Laascaanood iyo kuwo kale.

Afhayeen u hadlay Ganacsatada Qaadka ee Miiraa ee Dalka Kenya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in shalay oo Arbaco aheyd kaliya ay Soomaaliya Qaadka keeneen Labo Duulimaad oo Kenya ka yimid, kadib markii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay Muqdisho heshiis ku kala saxiixdeen Talaadadii.

Ugu dambeyntii Ganacsatada Qaadka ee Gobolka Miiraa ee Dalka kenya ayaa si weyn u soo dhaweeyay Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku fasaxday Qaadka, iyadoo shalay ay bilowdeen Duulimaadyadii Qaadka ee ka imaan jiray Dalka kenya.