Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo ay galabta ku tartameen Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere ayaa waxaa guul gaartay degmada Kaxda.
Degmada Boondheere ayaa waxa ay Labadii kulan oo horey ay u soo tartantay ay aheyd mid tartan wanaagsan soo bandhigtay inkastoo galabta gabi ahaan ay isaga hartay tartanka.
Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere ayaa galabta tartamay kulankooda 3-aad ee Tartamka Degmooyinka Idaacadda Risaala.
Degmada Kaxda ayaa galabta waxa ay ka adkaatay degmada Boondheere kadib markii degmada Kaxda ay la timid dhibco gaaraya 11 halka degmada Boondheere dhankeeda ay keensatay 9 dhibcood, sidaasina waxaa galabta Tartanka uga hartay degmada Boondheere.
Wareega 3-aad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa horey ugu gudbay Degmooyinka Awdheegle, Dharkeynley, Howlwadaag Waaberi iyo Wadajir.
Sidoo kale Guddiga Tartanka Aqooneedka Idaacadda Risaala ayaa sheegay in gabi ahaan Tartanka ay isaga hartay degmada Boondheere sidoo kalena degmada Kaxda rajadeeda ay ku xiran tahay in ay usoo gudubto qeybaha kale ee tartanka marka beri ay tartamaan degmooyinka Hodan iyo C/casiis.
Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan dhexda u xiratay in ay taaba geliso tartan aqooneedka Degooyinka Idaacadda Risaala.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay degmooyinka Kaxda iyo Boondheere.
Sikastaba Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa maadaama ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan sidoo kalena ay soo dhowdahay abaalmarintii ay heli laheyd degmadii ku guuleysata Tartankan.


