Kismaayo-RisaalaFM- Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukuno ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland.
Askartan xukunka lagu riday ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayaan 7 Askari, kuwaas oo lagu eedeeyay in 9 bishii 11 2016-kii ay weerar ku qaadeen Maxjarka Jubba oo ku yaalla Duleedka Galbeed ee Magaalada Kismaayo, waxaana ay ku dhaawaceen 2 Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Jubaland.
Labada Askari ee ay dhaawaceen Ciidankan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Shiine Gabow iyo Maxamed Sahal Mursal.
Bashiir Maxamuud Xareed Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda.


