Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan qorshe lagu sifeynaayo biyaha Wabiga si bulshada ay u isticmaalaan, xilliyada biyaha wabiga uu guro.
Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in arintaasi ay tahay mid Sare loogu qaadi doono wax saarka dhanka Biyaha ee degaanka maamulka Jubbaland.
Shacabka kunool Hareeraha Wabiga ayaa waxaa soo wajahda Biyo La’aan ba’an marka ay guraan Biyaha wabiga.
Webiga Jubba ayaa mara degaano badan oo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana xilliyadda ay da’aan roobabka dhacda in uu sameeyo Fatahaad.
Maxamed Yuusuf Cumar Wasiirka tamarta iyo Biyaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in waddaan qorsha Sifeynta Biyaha iyo sidoo kale ka hortagga Cudurradda ka dhasha Biyaha wasaqeysan.


