J/Hoose-RisaalaFM- Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose C/rashiid Cali Gooni ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab, islamarkaana dhowaan ay qaadi doonaan guluf colaadeed oo ka dhan ah Shabaab.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha ujeedadooda in ay tahay sidii ay u xoreyn lahaayeen degaanada Jubbaland gacanteeda ka maqan, taasina ay si aad ah ugu diyaar garoobeen.
Sidoo kale Guddoomiye C/rashiid ayaa sheegay in ay ku qasban yihiin Shabaab in ay ka saaraan degaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan Jubbaland, si shacabka ay u helaan xasilooni waarta.
C/rashiid Cali Gooni Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ayaa dhanka kale sheegay shaqada rasmiga ah ee Jubbaland in ay bilaabaneyso marka la xoreeyo degaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab.
Al-shabaab ayaa gacanta ku haya degaano iyo degmooyin ka tirsan Jubbaland, iyaga oo sidoo kale mararka qaar weerara fariisimaha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee halkaasi ku yaalla.


