Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay in uu aad u adkeynayo Amniga inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Guddoomiyah Degmada Kismaayo Ibraahim Tima-jilac oo la hadlay warbaahinta ayaa dadka Ganacsatada ah ee iibiya cuntooyinka bisil waxa uu uga digay inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan in ay Maqaaxiyahooda furnaadaan oo ay cunto ku iibiyaan, taasina ay tahay mid mamnuuc ah.
Waxa uu sheegay dhanka kale Ciidanka ammaanka in ay aad ugu diyaar garoobeen sugidda amniga inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, xilligaasi oo inta badan ay weeraro geystaan Shabaab.
Sidoo kale Ibraahim Tima-jilac ayaa sheegay ammaanka Degaanada Jubbaland in uu aad u sugan yahay, wuxuuna sheegay in aysan diyaar u aheyn in dhibaato loo geysto dadka shacabka ah.
Ururka Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay kordhiyaan weerarada bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ka geystaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada dalka, waxaana Hay’adaha ammaanka ay u diyaar garoobayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Shabaab.


