DHAGEYSO: In kabadan Hal Milyan oo Neef oo loo dhoofinayo Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda xoolaha dowladda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo maanta Saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wadahadalo Muddo qaatay ka dib ay ku guuleysteen in ay dalka Sacuudiga u dhoofiyaan Xoolo ka badan Hal Milyan oo Neef.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga Xajka owgiisa ay xoolahaasi u ogolaatay.

Waxaa uu sheegay  sidoo kale  in ay waddaan dadaallo kala duwan oo ku aadan in dowladda Sacuudiga dhammaan ay dib u bilowdo xoolihii Sacuudiga ay Soomaaliya u dhoofin jirtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Sacuudiga ayuu sheegay in ay u socdaan wadahadallo ku aadan iibsiga xoolaha Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa joojisay xoolihii looga soo  dhoofin jiray Soomaaliya Sanadkii 2016-da,Waxaa lagu sheegay joojinta xoolaha loo iibgeyn jiray Sacuudiga sababo la xiriira dhinaca caafimaadka