Wakiilka urur goboleed IGAD Maxamed Cabdi Afey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay muhiim tahay in si deg deg loo dhiso si dadka kunool goboladaasi ay u helaan maamulka Xuquuqdooda u soo dhacsha.
Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in waxgaradka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe looga baahan yahay in ay muujiyaan tanaasul si loo dhiso maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wakiilka ayaa sidoo kale ayaa sheegay in urur goboleedka IGAD ay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxa uu sheegay in horumar aan laga sameyn karin gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , madaam maamul goboleed aysan la heyn.
Shirka maamulka loogu dhisaayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu wado in maalinta Sabtiga ah uu ka furmo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa wali diidan in ay la midoobaan gobolka Shabeelaha Dhexe.


