DHAGEYSO: Howlgallo ka socda Jowhar

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo saakay waxa ay ka wadaan degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Howlgalka ayaa ciidanka dowladda waxa ay ku sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadka amni darada ka wado degmada  Jowhar ee Shabeelaha Dhexe.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xalay ka dhacay Qarax.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Madaxtooyadda maamulka Hirshabeelle.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxaasi , waxaa ka dhashay Khasaare dhaawac ah , waxaana uu ahaa Bambo Gacmeed lagu weeraray Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida ee ku sugan Magaalada jowhar.

Ciidamada Ammaanka oo soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay bilaabeen howlgal xooggan oo ay ka sameeyeen Xaafadda uu Qaraxu ka dhacay , waxaana la sheegay in ay soo qabteen tiro dhalinyaro ah , islamarkaana ay baaris ku hayaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka inta lagu gudajiro Bisha Barakeysan ee Rammadaan si aysan u dhicin falal Lidi ku ah Ammaanka.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa nooga Waramaya Wariyaheena Cabdiraxmaan Deeray oo Jowhar ku sugan.