DHAGEYSO: Howlgallo laga sameeyay Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgallo Ciidanka Miliitariga Soomaaliya ay ka sameeyeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa si gaar ah waxa ay Howlgaladan uga sameeyeen Degaanada Leego, Yaaq-baraweyne, iyo Degaano kale oo hoosyimaada Degmada Afgooye.

Ciidamadan ayaa intii ay wadeen Howlgaladan waxa ay gacanta ku soo dhigeen Rag ku lebisan Dareeska Ciidanka Millitariga, kuwaasi oo lacago baad ah ka qaadanayay dadka shacabka ah ee isticmaala wadooyinka Shabeelaha Hoose.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Howlgaldan ujeedkooda uu yahay xaqiijinta Amniga Gobolka, lana sii wadi doono.