DHAGEYSO: Howlgal ka dhan ah Shabaab oo lagu dhawaaqay

Cadaado-RisaalaFM- Iyadoo Shabaab ay gacanta ku hayaan Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in ay bilaabayaan Howlgal xoogan oo Shabaab looga saarayo Deegaanada iyo Degmooyinka ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo warbaahinta kula hadlay xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen Howlgalkii Shabaab looga saari lahaa Shabaab Degmada Xaradheere oo in mudo ah ay gacanta ku hayeen.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalku uu bilaaban doono maalmaha soo socda, sidoo kalena looga saarayo Shabaab Deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Ururka Al-shabaab ayaa mudo badan gacanta ku haya Degmada xaradheere ee Gobolka Mudug iyo sidoo kale Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.