DHAGEYSO: Howlgal ka dhan ah Shabaab oo bilaabanaya

Kismaayo-RisaalaFM- Sida uu qorshahu yahay Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa dhowaan bilaabaya Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Aadan Maxamed Sharmaarke oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa Risaala u sheegay in la diyaariyay Ciidankii qaadi lahaa Howlgalka ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Qorshaha Howlgalkan ayaa marka hore waxa uu yahay degaanada gobolka Jubbada Hoose, kadibna waxaa loo gudbayaa gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo dhowaan tagay magaalada Kismaayo ayaa la qorsheeyay in qaadayo Howlgal ka dhan ah Shabaab.