Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in marka baarlamanka uu dib uga soo laabto fasaxa hadda ay galeen laga filayo in ay qabtaan shaqooyin muhiim ah oo horyaala baarlamaanka.
Bisha Abril oo la filayo in dib ay u furmaan kulamada baarlamanka ayuu tilmaamay xildhibaanku in ay kahadli doonaan arimo dhowr ah oo uu dastuurka kamid yahay, islamarkaana dhinacyo badan laga eegi doono.
Baarlamanka ayaa shalay soo xiray kalfadhigooda 7-aad iyadoo xildhibaanada ay galeen mudo bil ah oo fasax.
Xukuumada Soomaaliya ayuu sheegay in laga doonayo iney si wanaagsan usii falanqeyso dib u eegista lagu sameynayo dastuurka dalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayuu sheegay iney tagi doonaan deegaanada ay kasoo jeedaan iyaga oo aragti kasoo qaadanaya dadka ay matalayaan.


