DHAGEYSO: Howgallo hub lagu soo qabtay oo laga sameeyay degmada Waajid

Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Ciidanka Dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay wadeen Howlgallo lagu furayo wadooyinka Shabaab ay go’doomiyeen ee ka tirsan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen in ay gacanta ku soo dhigeen Hub iyo Sahnad Militari oo ay la haayeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Cadow C/raxmaan Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale wuxuu sheegay inta Howlagaladan ay socdaan in Shabaab ay kala wareegeen Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa in mudo ah waxa ay u go’doonsan tahay ururka Al-shabaab, waxaana dadka ku nool Degmadaasi ay ka cabanayaan xaalado la xiriira dhanka nolosha.