DHAGEYSO: Hirshabeelle oo war ka soo saartay Dagaal beeleedyada

Jowhar-RisaalaFM- Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Maamulka Hirshabeelle Cali Cismaan Ibraahim oo u waramay Risala ayaa ka hadlay Dagaal beeleed dhowaan ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in lagu guuleystay xabad joojintii sidoo kale la is hor fariisiyay labada Beelood ee Dagaalantay, heshiiska rasmiga ahna wixii hada ka dambeeya la guda geli doono.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Dagaal beeleedyadan ku tilmaamay aanooyin qabiil, ayna qeyb ka tahay dhibaatada Soomaaliya heysata, lana doonayo in la xaliyo.

Cali Cismaan Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay labada beelood in ay qaateen baaqa Madaxda Maamulka Hirshabeelle ee ah in la joojiyo Dagaalada.

Dagaal beeleed dhowaan ka dhacay Degaan Duleedka ka ah Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Madaxda Hirshabeelle dadaalo Dagaaladan lagu joojinayo ayay wadaan.