DHAGEYSO: Hirshabeelle oo ka hadashay Haweeney lagu Gowracay Mahadaay

Mahadaay-RisaalaFM- Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu ka hadlay Haweeney xalay saqdii dhexe lagu Gowracay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabo Sacdiyo Maxamed Maxamuud ayaa waxa ay xaas u aheyd Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Maamulka Hirshabeelle Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Burus) ayaa waxa ay ka hadashay dil xalay saqdii dhexe Degmada Mahadaay loogu geystay Haweeney Ganacsi ku laheyd halkaasi.

Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Burus) Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegtay arrintan in ay tahay mid naxdin leh oo laga argagaxo.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Deganada Hirshabeelle C/raxmaan Deerey.