Maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo Kan degmada Jowhar ayaa waxa ay koormeer ku tageen Dekedihii hore ee qadiimiga ahayd ee Degmada Cadalle ee gobolka Sh/Dhexe.
Masuuliyiinta ayaa waxa ay soo kormeereen qeybaha kala duwan ee Dekeda ka kooban tahay iyo sida iminka loo dayactiri karo, Waxana koormeerkooda ku wehlinaayay Ganacsato.
Masuuliyintii kormeertay Dekeda ayaa sheegay in loo baahan yahay in deg deg loo dayactiro isla markaana si Wadajir ah loogu wada qeyb qaato.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ” Axmed Faal” ayaa Warbaahinta u sharaxay sida ay bulshada gobolka Sh/Dhexe ugu baahan yihiin Dekedaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Hirshabeelle qorshaha ugu horeeyo ee uu qabanayo in ay tahay dib u furida iyo dayactirka Dekedaan.
waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka hirshabeelle ay isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo Dekeda.


